DEG-DEG: Arne Slot Oo Xaqiijiyay In Uu Noqday Tababaraha Liverpool

Tababare Arne Slot ayaa Xaqiijiyay in uu noqon doono tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Slot ayaa la filayaa in uu badalo Tababare Klopp Oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa wadahadalo kula jirtay Feyenoord Muddo si ay ugala heshiiso Saxiixiisa Tababare Arne Slot.

Liverpool ayaa ugu dambayn ogolaatay in ay bixiso lacagtii ay Feyenoord doonaysay si ay u fasaxdo tababaraha.

Tababare Arne Slot Oo arintaas ka hadlay ayaa yidhi”Waxa aan xaqiijin karaa in Aan Noqon Doono tababaraha cusub ee kooxda Liverpool”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga