Laacibka reer Spain ee David Silva, oo ah halyeygii kooxda Manchester City, ayaa ammaanay wiilka ay isku dalka yihiin ee Lamine Yamal, garabka Barcelona.
Ciyaaryahanka 17 jirka ah ayaa ka qeyb galay 8 kulan oo uu la qaatay Barcelona tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkaan, dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 4 gool, caawiyena ka ahaa 5 kale.
Silva ayaa ku yiri hadal uu siiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain: “Lamine Yamal kama duwana ciyaaryahan kasta oo kale maanta”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Aan rajayno in ay sidan ku sii socoto, sababtoo ah waxa uu awood u leeyahay in uu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda”.
Wuxuu sii waday: “Inkasta oo aan horayba u ognahay in ilaalinta heerkan uu yahay mid adag, wuxuu leeyahay karti aad u wanaagsan iyo tayo sare.”
Be the first to comment