David Seaman Oo Saadaaliyay Kulamada Ugu Dambeeya Premier League.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee David Seaman ayaa aaminsan in aan Man City laga joojin Karin ku guulaysiga horyaalka Premier League laakiin waxa u Arsenal kula taliyay in  Tartanka horyaalka la aadaan Man City ilaa maalinta ugu dambaysa.

City ayaa raadinaysa ku guulaysiga horyaalka Premier League markii 4-aad oo xidhiidh ah laakiin waxa ay Hal dhibic ka dambeeyaan kooxda Man City kuwaas oo ku guulaysan doona horyaalka hadii ay badiyaan 3-da kulan ee u dhiman.

Seaman ayaan aaminsanayn in ay City dhibco lumin doonto laakiin waxa uu Arsenal u sheegay in ay shaqadeeda qabsato isla arkaas badiso kulamada u dhiman.

“Haddii aan daacad ka hadlo, ma arki karo Man City oo dhibaco luminaysa:ayuu Yidhi.

“Taasina waa hibaatada kaliya”ayuu sii raaciyay.

“Kulanka kaliya ee aad ka fikiri karto in ay dhibco lumiso waa kulanka Tottenham laakiin hadii aad Tottenham eegto waxa ay u xun yihiin sida Man United oo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga