David Raya Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Goolhayaha Ugu Fiican Xilli ciyaareedka

Goolhayaha kooxda Arsenal David Raya ayaa ku guuleystay abaal-marinta gacanta Dahabka ah ee Premier League 2023-24.

28-sano jirkaan ayaa abaal-marintan ku hubsaday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Raya ayaa shabaqiisa ilaashaday 16 kulan horyaalka premier league Halka Goolhayaha ugu Soo dhaw uu ilaashaday 13 kulan.

Isagoo wareysi siinayay website-ka kooxdiisa, wuxuu yiri: “shabaqa la ilaashanayo waa arin la yaab leh,. Goolhayaha ayaa amaan badan ku hela laakiin waa shaqo kooxeed”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga