David Raya Oo Ka Jawaabay Dhaleecayn Loo Soo Jeediyay Kadib Goolkii Fc Porto Ee Champions League.

David Raya ayaa ku tilmaamay goolkii Fc Porto dhamaystir fiican ka dib guuldaradii Arsenal ee lugtii hore ee wareega 16ka Champions League fiidnimadii Arbacada.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u muuqatay kuwo bar-baro 0/0 ah la galaya kooxda Fc Porto ka hor inta uuna Galeno dhalin goolka guusha ee kooxda reer Portugal.

Kadib goolkaas Raya ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha booskii uu taagnaa ka hor goolka laakiin Goolhayaha ayaa is difaacay.

“Dabcan way adagtahay in gool lagaa dhaliyo daqiiqadaha ugu dambeeya laakiin haatan waxa dhiman kulan dhamaystiran”ayuu yidhi.

“Waxa aan wali ku ciyaari doonaa gurigeena waana in aan badino markaan halkaas tagno”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga