Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay qaaddo tallaabo sharci iyo mid xeerar ah haddii ciyaaryahanka da’da yar ee JJ Gabriel uu ka tago kooxda.
Gabriel oo 15 jir ah ayaa bishii September United u sheegay inuu doonayo in laga saaro diiwaangelinta kooxda, iyadoo ilo ku dhow Manchester United ay filayaan in ciyaaryahanku ka dhaqaaqi doono Old Trafford.
Ciyaaryahanka khadka weerarka ayaa durba soo jiitay xiisaha kooxo waaweyn oo Yurub ah, gaar ahaan Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich. Haddii uu u wareego koox ka baxsan England, Manchester United waxay heli kartaa oo keliya magdhow xaddidan, arrintaas oo kooxda ku dhalisay inay eegto fursadaha sharci iyo kuwa xeerarka kubadda cagta.
Wakiilka Ali Barat ayaa oggolaansho ka helay xiriirka kubadda cagta England (FA) inuu matalo ciyaartoyda da’da yar, isla maalintii uu soo baxay warka sheegaya in Gabriel doonayo inuu United ka tago.
Hay’adda uu Barat ka tirsan yahay ee Epic Sports ayaa horey uga shaqeysay heshiisyo ay ku lug lahaayeen ciyaartoy ay ka mid yihiin Denzel Dumfries iyo Nicolas Jackson, waxaana la sheegay inay xiriir la sameysay dhinacyada Real Madrid iyo Bayern Munich oo ku saabsan mustaqbalka Gabriel.
Dhanka kale, Gabriel ayaa tababar ku qaadanayay xarun ku taalla Barcelona, halkaas oo uu horay xagaagii waqti ugu qaatay. Walaalkiis ayaa sidoo kale lagu arkay sawir uu ku xiran yahay funaanad tababar oo Barcelona ah, taasoo sii kordhisay hadal-heynta ku saabsan kooxda uu u dhaqaaqi karo.
Manchester United ayaa horey u qorsheysay inay Gabriel ku darto kooxdeeda kulankii League Cup-ka ee Brighton. Si kastaba, wuxuu seegay fursad uu Champions League uga soo muuqan lahaa, maadaama uusan weli gaarin 16 sano, taasoo saameyn ku yeelatay shuruudaha diiwaangelinta ciyaartoyda.
Gabriel wuxuu 16 sano jirsanayaa 6-da October 2026. Intii lagu jiray xilli-ciyaareedka hore, wuxuu la tababartay kooxda koowaad ee United, waxaana uu kasoo muuqday kulankii saaxiibtinimo ee Manchester United ay la ciyaartay Atlético Madrid ee Stockholm, isagoo ciyaaray 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.
Manchester United ayaa sidoo kale siisay abaalmarinta Young Player of the Year, waxaana ciyaaryahanka loo arkayay mid ka mid ah da’yarta ugu xiisaha badan akadeemiyada kooxda.
Mustaqbalka JJ Gabriel ayaa sidaas darteed galay marxalad xasaasi ah, iyadoo United ay dooneyso inay ilaaliso ciyaaryahankeeda, halka kooxo waaweyn oo Yurub ahna ay indhaha ku hayaan 15-jirkan.

