Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Sameeyay Kulankii Nations League

Xiddiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa gaadhay guul cusub kadib markii uu 2-1 kaga badiyay xulka qaranka Germany kulan ka tirsanaa Semi-finalka tartanka UEFA Nations League.

Ronaldo ayaa ciyaarta ka dhaliyay gool isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay finalka tartanka.

Sida laga soo xigtay Opta, Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Yurub ah ee dhaliyay labo gool oo caalami ah isagoo 40 jir ah.

Ronaldo waa gooldhaliyaha ugu sareeya abid isagoo u dhaliyay 937 gool koox iyo wadan, waana gooldhaliyaha abid ugu sareeya xulalka caalamiga ah isagoo dhaliyay 137 gool 220 kulan oo uu saftay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga