Xulka England ayaa shaaciyay in xiddiga Cole Palmer ku soo laabtay kooxdiisa Chelsea isla markaas uuna ka qayb ahaan doonin kulamada UEFA Nations League.
Xulka England ayaa la ciyaari doona xulalka Irland, iyo Finland kulamada caalamiga ah.
Labada kulan ayaa imanaya iyada oo uu hogaaminayo tababare cusub oo ku meel gaadh ah kadib markii uu Southgate ka tagay xulka.
“Cole Palmer ma ciyaari doono kulamada soo socda ee caalmaiga ah”ayuu soo saaray FA-ga England.
“Palmer ayaa dhaawac ku dhibaatoonaya waxana uu ku laabtay kooxdiisa si uu qaato barnaamijka soo kabsashadiisa”.
Be the first to comment