Chelsea Oo Xaraashaysa Xiddigo Ay Lacag Badan Kasoo Bixisay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa bisha January xaraashi doonta saddex ka mid ah ciyaartoydeeda oo ay quus ka taagan yihiin, kuwaas oo ay u arkaan in aanay manfac badan u lahayn.

Noni Madueke ayaa ku jira liiska ciyaartoda ay Chelsea suuqa dhigtay eeay Iibinayso, inkasta oo sannad ka hor uun uu yimid Stamford Bridge.

Blues oo xagaagii tegay £450 milyan oo Gini ku kharash garaysay 13 ciyaartoy oo cusub ayaa waxa uu Pochettino dalbaday in loo keeno ciyaartooyo kale suuqa January gaar ahaan weeraryahanno kaddib guul-darradii ay Everton usoo xambaarisay Sabtidii.

Chelseaayaa rajaynaysa in ay la saxeexan doonto weeraryahankareerNigeriaee VictorOsimhen oo Napoli ay shaacisay qiimaha lagu burburin karayo heshiiska,  laakiin Blues ayaa ku qasban in ay ciyaartooyo iibiso ka hor inta aanay saxeexyo samaynin si aanay ugu dhicin sharciga dhaqaalaha oo aan loo ganaaxin.

21 jirka Noni Madueke oo bishiiJanuaryee sannadkanay Chelsea kasoo iibsatayPSV ayaa hormood u ah xiddigahaay Chelseaiibinayso si ay u samayso lacagta Osimhen oo ah .£115 milyan oo Gini.

Waxa kale oo ay Chelsea iibin doonta Trevoh Chalobah iyo Ian Maatsen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga