Chelsea Oo Loo Soo Bandhigay Tababare Badali Kara Pochetino

akiilka caanka ag ee Jorge Mendes ayaa Chelsea u soo bandhigay saxiixq tababaraha Porto ee Sergio Conceicao si uu u noqdo badalka Mauricio Pochettino.

Chelsea ayaa xaqiijisay fiidnimadii Salaasada shaaciyay in ay shaqada ka caydhiyeen Pochetino.

Blues ayaa haatanba Bilowday raadinta badalkiisa iyada Oo lala xidhiidhinayo tababarayaal Badan Oo ka mid yihiin Tuchel.

Mendes, oo xiriir dhow la sameeyay milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa maamulka Blues u Soo bandhigay saxiixa tababaraha FC Porto ee Conceicao.

49-sano jirkaan ayaa Porto ku sugnaa tan iyo 2017, isagoo kula guuleystay 10 koob intii uu joogay Estadio do Dragao, waxaana uu dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo gaaraya ilaa xagaaga 2028

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaa lagu daray shardi u ogolaanaya In uu isaga tago kooxda hadii uu helo dalab uga uga yimaada koox weyn.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga