Chelsea Oo Loo Soo Bandhigay Fursad Ay Kula Soo Saxiixan Lahaayeen Xiddig Ka Soo Ciyaaray Premier League.

Chelsea ayaa fursad u heysata inay lasoo saxiixato ciyaaryahankii hore ee Aston Villa Douglas Luiz bishaan, waxaana ay ka fiirsanayaan inay dalab ka gudbiyaan, halka Manchester City iyo Arsenal ay sidoo kale isha ku hayaan xaalada.

Blues ayaa aad ugu mashquulsan xoojinta kooxda maalmaha ka dhiman suuqa kala iibsiga January.

TEAMtalk ayaa fahansan in Chelsea ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca Juventus Luiz, kaasoo diyaar u ah inuu ka Tago kooxda reer Italy.

Tababaraha Juventus Thiago Motta ayaa go’aansaday in Luiz uusan ku filneyn qorshihiisa mustaqbalka fog, inkastoo xaqiiqda ah in ciyaaryahanka reer Brazil uu kaliya kaga soo biiray Aston Villa xagaagii hore heshiis ku kacaya 42 milyan.

akiilada 26-sano jirka ah ayaa si adag uga shaqeynayay sidii ay xal u heli lahaayeen, ilo wareedyo ayaa daaha ka qaaday in Chelsea loo soo Bandhigay Saxiixa Xiddiga khadka dhexe.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga