Chelsea Oo Horyaalka La Liga Ka Doonaysa Badalka Sanchez

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u calaamadsatay goolhaye haatan ka Ciyaara horyaalka La Liga kaas Oo ay u arkaan Badalka Robert Sanchez.

Xagaagii hore Chelsea ayaa Goolhayaha ka Soo bixisay 25 milyan Oo Euro si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Ujeedka Chelsea ayaa markii hore ahaa in uu Sanchez kayd u noqdo Kepa laakiin Kepa ayaa ku biiray Real Madrid taas Oo keentay in uu Sanchez noqdo dookha 1-aad.

Laakiin sabab la xidhiidha dhaawacyo Sanchez ayaan haatan si joogto ah Ugu ciyaarin Chelsea.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday AS, Atletico Madrid ayaa u furan inay iska iibiso Oblak suuqa Xagaaga.

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhqaaaqdo Saxiixa Goolhayaha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga