Chelsea Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Michael Olise

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Crystal Palace u soo bandhigto laba xiddig oo ka tirsan kooxda si ay u hesho saxiixa xiddiga Michael Olise.

Blues ayaa ku guuldareysatay isku daygoodii ay ku dooneysay Olise xagaagii hore inkastoo ay soo bandhigtay 35 milyan ah si ay u hesho xiddiga.

Chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto xiddiga waxana ay Crystal Palace wax ka waydiisay helitaankiisa.

Olise ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 60 milyan oo euro kaas oo lagu daray markii uu heshiiska cusub u saxiixay kooxda.

Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay labo ciyaaryahan u soo bandhigto Olise.
Wararka ayaa sheegaya in ay Blues xiddigaha Trevoh Chalobah iyo Noni Madueke ku darayso heshiiska ay ku doonayso Olise.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga