Cole Palmer ayaa shaaca ka qaaday in lagula taliyay inuusan ku biirin Chelsea ka hor inta uusan 45 milyan ugu biirin kooxda Chelsea.
22-sano jirkaan ayaa in ka badan 10 sano ku qaatay Man City ka dib markii uu ku biiray akadeemiga kooxda isagoo jira 8 jir laakiin kaliya 41 kulan ayuu u saftay kooxda koowaad ka hor inta aan laga iibin Chelsea.
Palmer waxa uu ahaa mid ka mid ah dhawr waji oo cusub oo yimid Stamford Bridge, laakiin, si ka duwan dhawr ka mid ah asxaabtiisa kooxda, waxa uu ku riyaaqay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 25 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.
Qaab ciyaareedkaas ayaa keenay in tababarihii hore ee England Gareth Southgate uu Palmer u soo xusho shaxdiisa Euro 2024, xiddiga Chelsea ayaana wacdaro ka dhigay kulamadii koobnaa ee uu ka ciyaaray dalka Germany kuna jiray final-kii tartanka.
Inkasta oo uu Palmer xiddig muhiim ah ka noqday Blues, arimaha ayaa ka duwanaan lahaa sidan hadii uu dhagaysan lahaa Taladii laga siiyay in aanu ku biirin chelsea.
Isagoo dib u eegaya go’aankii uu ugu biiray Blues, Palmer ayaa u sheegay ITV Football”Sideen dib ugu eegaa go’aankii ka tagista Man City”?.
“Haa, waxa ay ahayd khamaar sababta oo ah ma aanan garanayn waxa aan galayo, ma garanayn kooxda aan aadayo”.
“Xitaa waxa jiray dad igula taliyay in aanan ku biirin chelsea laakiin waxa aan go’aansaday wixii aan anigu doonayay in aan sameeyo”ayuu sii raaciyay
Be the first to comment