CHAMPIONS: Man City Oo Markii 4-aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaystay Premier League, West Ham Ayay Garaaceen.

Kooxda Man City ayaa garaacday West Ham waxana ay markii 4-aad ee taariikhdooda ku guuaysteen horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ku bilowday mid dar-dar leh iyada oo Man City qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 12-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Phil foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Man City ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal kale.

Isla Foden ayaa daqiiqadii 18-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Man City ayaa yara dajisay jawiga iyaga oo maamulayay Ciyaarta isla Markaas si dagen u ciyaarayay.

Daqiiqadii 42-aad ayay West Ham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohammed Kudus kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican.

Qaybt dambe ayay City ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan.

Daqiiqadii 59-aad ayay City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City markii 4-aad oo taariikhi ah ku guulaystay horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga