Bukayo Saka Oo Fariin Ku Saabsan Horyaalka U Diray Man City.

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa sheegay in ay Man City dhibco lumin doonto tartanka horyaalka premier League.

Saka ayaa dhaliyay gool kulankii ay Arsenal garaacday Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Gunners ayaa hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka Premier League iyada oo lagu jiro todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Saka ayaa aaminsan in Man City ayna ahayn koox u fiican sida la aaminsan yahay isla markaas uu filayo in ay dhibco lumiso.

“City waa koox cajiib ah, laakiin ma ahan koox dhamaystiran”ayuu Saka yidhi.

“Ma jirto cid dhamaystiran, waxan filayaa in ay dhibco lumiyaan, kaliya waa in aan shaqadeena qabsano kadib aan eegno”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga