Bruno Fernandes Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Uu Dhigay Cristiano Ronaldo

Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa ku biiray xiddigo aar ah oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo iyo David de Gea kuwaas oo ku guulaystay 3 jeer baalmarinta Xiddiga ugu fiican Man United xilli ciyaareedka ee Matt Busby.

29-jirka khadka dhexe ka ciyaara ayaa horay abaal-marin ugu guulaystay labadii xilli ciyaareed ee 2020-21 iyo 2021-22.

Intii lagu jiray ololihii 2023-24, kabtanka United wuxuu soo bandhigay joogteynta cajiibka ah, isagoo kaliya labo kulan ku seegay dhaawac.

Dhammaan tartamada, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa saftay 47 kulan, isagoo ka qeyb qaatay 15 gool, isagoo caawiyay 12 gool. Waxa uu sidoo kale laba jeer ku mutaystay abaal marinta laacibka bisha, April 2 jeer iyo August.

Fernandes hadda waa mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan, oo ay weheliyaan Ronaldo oo ay isku dalka yihiin iyo saaxiibkiisii ​​hore ee De Gea kuwaas oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ee Sir Matt Busby.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga