Barcelona ayaa qaaday tallaabo aan caadi ahayn, iyadoo kooxda ay joojisay dhammaan tababarradii iyo howlihii xarunteeda kadib digniin ku saabsan roobab xooggan iyo khatar daadad, Kooxda Hansi Flick ayaa qorshaynaysay diyaar-garowga kulanka ay la ciyaari doonto Getafe Sabtida soo socota, balse xaaladda cimilada ayaa keentay in qorshayaashaas hakad la geliyo.
Barcelona ayaa bayaan rasmi ah ku sheegtay in, iyadoo la tixgelinayo saadaasha roobab aad u xooggan iyo khatarta daadadka, la hakiyay dhammaan howlaha ka dhacaya xarumaha kooxda laga bilaabo 8-da fiidnimo ee Sabtida ilaa 2-da duhurnimo ee Axadda.
Go’aanka ayaa saameynaya tababarrada iyo dhammaan howlaha ciyaareed, bulsho, dhaqan iyo madadaalo ee lagu qaban lahaa xarumaha kooxda muddadaas, Barcelona ayaa sidoo kale sheegtay inay xiriir joogto ah la leedahay Liga F iyo mas’uuliyiinta tartanka, maadaama kulanka haweenka Barcelona iyo Real Madrid oo lagu qorsheeyay Axadda uu xaaladda cimiladu saameyn karto.
Kooxda Catalan-ka ayaa codsatay in kulanka laga dhigo 7-da fiidnimo, halkii uu markii hore ka bilaaban lahaa 5-ta galabnimo. Ujeeddadu waa in la hubiyo badqabka garoonka iyo in taageerayaashu si ammaan ah ugu safri karaan kana soo laaban karaan ciyaarta.
Barcelona ayaa sheegtay in go’aanka kama dambaysta ah laga gaari doono iyadoo lagu salaynayo sida xaaladda cimiladu isu beddesho iyo tilmaamaha ay bixiyaan hay’adaha ay khusayso. Kooxdu waxay ballanqaadday inay taageerayaasha iyo xubnaheeda kusoo wargelin doonto wixii isbeddel ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Barcelona ay wajahaysay toddobaad ay jireen cadaadisyo kale oo waaweyn. Real Madrid ayaa UEFA ka codsatay in Barcelona laga qaado koobab ay hore u qaaday, iyadoo UEFA ay baaritaan ku waddo lacagihii taariikhiga ahaa ee lala xiriiriyay shirkado uu lahaa José María Enríquez Negreira, oo hore u ahaa ku-xigeenka madaxa garsoorayaasha Spain.
Dhanka garoonka, Barcelona ayaa weli ku jirta xaalad wanaagsan, iyadoo kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ay lix dhibcood ku hoggaaminayso LaLiga, kadib markii ay dhammaan kulamadeedii ilaa waqtigaas aysan wax dhibco ah lumin.

