Barcelona oo isha ku haysa daafaca da’da yar & Xidig wacdaradiisa laga yaabay …

0

Barcelona ayaa si dhow ula socota Lucas Herrington, oo ah daafaca 19 jirka ah ee Hull City, kaddib qaab ciyaareedkiisa wanaagsan tan iyo markii uu yimid Premier League.

Herrington ayaa Hull City kaga soo biiray Colorado Rapids xagaagii, iyadoo kooxda Ingiriiska ay ku bixisay £17 milyan, taasoo noqotay lacagtii ugu badnayd ee Hull ay ciyaaryahan ku soo iibsato.

Advertisment

Daafacan reer Australia ayaa sidoo kale sanadkan markii ugu horreysay loo yeeray xulka qaranka, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa Australia ee kusoo bilowda kulan Koobka Adduunka, markii uu wajahay Paraguay.

Sida ay sheegtay TEAMtalk, Barcelona aad ayay ula dhacday horumarka Herrington, laakiin tartanka loogu jiro saxiixiisa ayaa sii xoogeysanaya. Liverpool, Manchester United, Everton, Newcastle, Chelsea iyo Manchester City ayaa hore loola xiriiriyay, halka Bayern Munich iyo RB Leipzig ay sidoo kale hadda la socdaan xaaladdiisa.

Si kastaba, warbixintu waxay sheegaysaa in Hull City iyo Herrington aysan hadda qorsheyneynin kala tag bisha Janaayo, maadaama uu ciyaaryahanku dhowaan uun kooxda kusoo biiray.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here