Barcelona Oo Heshiis Cusub Oo Wakhti Fog Ah Ka Saxiixanaysa Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Xiddiga Barcelona Lamine Yamal ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer ah marka uu 18 jirsado sanadka soo socda.

Kooxda reer Catalan ayaa dooneysa inay xaqiijiso mustaqbalka fog ee xiddigaheeda u soo kacaya kooxda kana mid yihiin xiddigaha Gavi iyo Pedri.

Gavi ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis cusub, halka Pedri uu dhawaan shaaca ka qaaday in horumar wanaagsan laga gaarayo wada xaajoodyada qandaraaska.

Barcelona ayaa sidoo kale doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Yamal inkasta oo uu kaliya saxiixay heshiiskii ugu dambeeyay sanadkii hore si uu kooxda ugu sii hayo ilaa June 2026.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito, Yamal wuxuu horey u gaaray heshiis uu ku saxiixo qandaraas cusub marka uu 18 jirsado July 2025.

Sannadka soo socda, garabka Barcelona ayaa qalinka ku duugi doona heshiis lix sano ah si uu mustaqbalkiisa fog ugu hibeeyo kooxda reer Catalonia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga