Arsenal Oo Xasuuqday Burnley Cadaadiskana Saartay Liverpool

Kooxda Arsenal ayaa 5 gool ka dhalisay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League

Kooxda Gunners ayaa marti u ah kooxda Burnley, caawa oo Sabti ah, taasoo qeyb ka ah kulamada wareegga 25-aad ee horyaalka Ingiriiska, kaasoo ka dhacay garoonka Turf Moor.

Ciyaaryahan Martin Odegaard ayaa daqiiqadii afaraad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Gunners.

Ciyaaryahan Bukayo Saka ayaa daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda reer London,waxana uu ahaa rigoore.

Saka ayaa soo laabtay waxaana uu ku daray goolkiisii ​​labaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa, daqiiqadii 47aad.

Ciyaaryahan Leandro Trossard ayaa daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta u suuragashay in uu udhaliyo goolka afaraad ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Kai Havertz ayaa daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta goolka u dhaliyay kooxda Arsenal.

Gunners ayaa gaartay guusheedii shanaad oo xiriir ah horyaalka Premier League, iyagoo kulamadii hore ka badiyay Crystal Palace, Nottingham Forest, Liverpool iyo West Ham United.

Guushan weyn ee Gunners ayaa kor u kacday 55 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo laba dhibcood ka hooseysa Liverpool oo hoggaanka haysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga