Arsenal Oo Rikoodhayaal Ku Garaacday Bournemouth Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Arsenal ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa ku soo gashay kulanka xiddigo isugu jira kooxda 1-aad iyo waliba xiddigo da’yar ah.

Thomas Partey, Timber, White, Vieira iyo Nketiah ayaa ka mid ahaa xiddigaha kooxda 1-aad ee ku bilowday shaxda.

Daqiiqadii 18-aad ayay Arsenal dhalisay goolka furitaan waxana u dhaliyay xiddiga Fabio Vieira kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayuu Arteta is badal ku sameeyay shaxdiisa isaga oo fursad siiyay xiddigaha kale ee kooxda.

Daqiiqadii 73-aad ayay Bournemouth dhallisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Antoine Semenyo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta waxana ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro waxana la isla aaday rikoodhayaal.

Arsenal ayaa 5/4 rikoodhayaal ah ku badisay waxana ay sii wadeen isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga