
Taageeraha kooxda Arsenal ee Piers Morgan ayaa ka hadlay natiijadii Arsenal ee premier League ee Everton.
Arsenal ayaa bar-baro gool la’aan ah la gashay kooxda Everton kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier League.
Piers Morgan ayaa u sheegay Mikel Arteta in uu la soo saxiixdo weeraryahan hadii uu doonayo in uu guulo la gaadho Arsenal.
Morgan ayaa ku qoray bogiisa X ciyaarta kadib”La’aanta weeraryahan fiican ayaa ciyaar kasta muuqanaysa”.
“Havertz iyo Jesus Nagama caawin doonaan ku guulaysiga premier League, Fadlan la soo saxiixo Weeraryahan naga caawin kara”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment