Arsenal Oo La Sheegay In Koox Kali Ahi Ka Wanaagsan Tahay Naadiyada Champions League Ee Xilli-ciyaareedkan

Kooxda kubadda cagta Arsenal, waa naadiga labaad ee ugu wanaagsan tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan, waxaanay fursad weyn u haystaan in markii ugu horreysay ay ku guuleystaan tartankan, sida uu sheegay halyeygii Liverpool iyo xulka England ee Jamie Carragher.

Arsenal ayaa usoo gudubtay wareegga 16ka Champiosn League iyadoo ku dhamaysatay kaalinta koowaad ee Grou B oo ay hal ciyaar ah ka hadhsan tahay, kaddib markii ay Arbacadii 6-0 ku xasuuqeen kooxda reer France ee Lens.

Gunners ayay ugu dambaysay inay gaadho wareegga 16ka Champions League sannadkii 2010, markaas oo ay Barcelona kusoo reebtay wareegga 16ka, sidaana kaga soo hadheen tartanka.

Laakiin doorkan way ka xooggan yihiin koox lagu reebo karayo wareeggan sababtoo ah waxa ay haystaan ciyaartooyo si fiican iskula jaan-qaaday, khibrad iyo tamartooda oo aad u badan, waana kooxda labaad ee ugu xooggan tartanka, sida uu ku dooday Jamie Carragher.

Halyeyga Liverpool oo wax laga weydiiyey fursadda Arsenal ee Champions League, ayaa yidhi: “Waxay ila tahay inay yihiin tartameyaal dhab ah oo doonaya inay ku guuleystaan, fursad fiicanna way u haystaan.

“Taariikhooda hore uguma aanu jirin tartankan, waxaana la loollamaya naadiyo marar badan kusoo guuleystay Champions League sida Bayern Munich, laakiin ma odhanayo Bayern Munich ayaa ka wanaagsan Arsenal, inkasta oo ay uga khibrad badan tahay.

“Arsenal wali kuma aanay guuleysanin Champions League, balse waxay haystaan kartidii ay ku qaadi lahaayeen. Waxay ila tahay, Manchester City oo kaliya ayaa ka wanaagsan Arsenal naadiyada tartanka ku jira.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga