Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga

Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay wararku sheegayaan.

Tababaraha kooxda ee Mikel Arteta ayaa haatan diirada saaraya tartanka premier League iyada oo kooxdiisa Gunners fursad u haysato ku guulaysiga horyaalka markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.

Laakiin maamulka sare ee kooxda ayaa ku mashquulsan qorshaha suuqa kala iibsiga xagaaga maadama uu furmi doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedku.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sacha Tavolieri, Arsenal ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara kooxda Fenerbahce ee Ferdi Kadioglu.

Tavolieri ayaa sheegaya in ilo wareedyo u dhaw xiddiga uu u xaqiijiyay in ay socdaan wadahadalada xiddiga iyo kooxda Arsenal isla markaas lagu rajo weyn yahay in heshiiska shaqsiga ah la gaadho.

Ma jirto wax haatan laga heshiiyay isla markaas Arsenal wax wadahadalo ah lama furin kooxd Fenerbahce laakiin waxa ay Gunners ku rajo weyntahay in ay heshiis la gaadhi doonto kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga