Arsenal Oo Isha Ku Haysa Rikoodh 93 Sano Ka Hor Laga Dhigay Premier league.

Arsenal ayaa isku dayi doonta inay barbareyso rikoorka gooldhalinta horyaalka heerka koowaad marka ay caawa marti u tahay Brentford.G

unners ayaa laga yaabaa inay hal il ku eegaan kulanka Salaasada ee wareega 16ka Champions League ee Porto, laakiin ka hor inta aysan si buuxda diirada u saarin lugta labaad, waa inay badiyaan kulanka Brentford kulanka premier league.

Waxa ay haatan ku jiraan kaalinta seddexaad iyagoo labo dhibcood oo kaliya u jira hogaamiyaasha Liverpool ka dib markii ay badiyeen dhammaan todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen 2024.

Ciyaartoodii ugu dambeysay, Arsenal ayaa 6-0 ku xasuuqday kooxda Sheffield United iyadoo ay uga mahadcelinayaan dadaallo ay sameeyeen Martin Odegaard, Gabriel Martinelli, Kai Havertz, Declan Rice iyo Ben White iyo sidoo kale gool uu iska dhaliyay Jayden Bogle.

Natiijadii wacneyd ee ay soo bandhigeen, Gunners ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee dhalisay 30 gool iyo wax ka badan todobadii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka heerka koowaad ee sanadka.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa hadda fursad u haysata inay noqoto kooxdii labaad ee diwaan gelisay ugu yaraan afar gool shan kulan oo isku xigta oo heerka sare ah.

Aston Villa ayaa haatan ah kooxda kaliya ee Rikoodhkaas dhigay iyaga Oo sidaas sameeyay sanadkii 1931-dii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga