Arsenal Oo Guuldaro Weyn Kala Kulantay QPR

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Man City kadib fasa xulalka.

Arsenal ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaartay kooxda QPR kulan ka dhacay garoonka oo ay Albaabadu u xidhan yihiin.

Arteta ayaa adeegsaday xiddigaha aan aadin waajibaadka xullakooda si uu ugu diyaariyo xiddigahaas kulanka Man City.

Arsenal ayaa guuldaro 4/0 kala kulantay kooxda QPR kulan uu ciaarsiiyay xiddigo ay ka mid Thomas Partey oo 60 daqiiqo ciyaaray iyo Takehiro Tomiyasu oo 45 daqiiqo ciyaaray.

Xiddigaha Partey iyo Takehiro Tomiyasu ayaa ka soo kabsanaya dhaawac ay kooxda kaga maqnaayeen kulamadii ay ciyartay xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga