Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Bournemouth

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa kulanka u bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.

Bournemouth ayaa dhinaceeda daafac ku jirtay iyaga oo Arsenal u diiday in y dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 45-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana dhaliyay Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay.

Qaybta dambe ayay Arsenal sii waday dadaalada ku doonayso in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 70-aad ay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Leandro Trossard kaas oo ciyaarta hogaankeeda dheereeryay.

Daqiiqadii 73-aad ayay Bournemouth dhalisay gool Laakiin goolkaas ayaa a diiday abab la xidhiidha Offside kaas oo ciyaarta u sii hayay 2/0.

Daqiiqadii 90+7-aad yay Arsenal dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Declan Rice kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas u dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ku gaadhay guul muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga