
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaartay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Jorginho marka la gaaro suuqa January.
Markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka tagay Chelsea kuna biiray Emirates Stadium bishii January 2023 waxana uu door ka ciyaaray kooxda intii uu joogay.
Isagoo 35 ku soo bilowday iyo 25 bedel ku soo galay tartamada oo dhan, 32 jirkaan ayaa noqday xiddig muhiim u ah kooxda.
Xiddiga reer Italy ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda reer Turkey ee Besiktas kuwaas oo doonaya in ay helaan saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay Mirror, Arsenal ayaa haatanba go’aansatay in ayna aqbli doonin wax dalab ah oo u imanaya xiddiga suuqa January.
Be the first to comment