Arsenal Oo Garaacday Luton Town Lana Wareegtay Hogaanka Premier League

Kooxda Arsenal ayaa si ku meel gaadh ah ula wareegtay hogaanka horyaalka premier premier kadib guul ay  ka gaadheen kooxda Luton Town.

Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay ka awood badan kooxda martida u ahayd.

Kooxda Arteta Ayaa si joogto ah u samaynayay fursadaha ay ku doonayeen goolasha.

Daqiiqdii 24-aad ayay Arsenal dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegard kaas Oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Arsenal ayaa heshay goolka 2-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Luton Town ee Hashioka kas Oo ciyaarta ka dhigay 2/0

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Arsenal gaadhay guul muhiim ah Oo ay kula wareegtay hogaanka horyaalka premier league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga