Arsenal, Man City Mise Liverpool? Taageerayaasha Premier League Oo U Codeeyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Jamaahiirta kubbada cagta ayaa saadaaliyay in Liverpool ay ku guulaysan doonto Premier League sanadka 2023/24, iyadoo ka ilaalinaysa tartanka kooxaha Manchester City iyo Arsenal.

Tartanka horyaalka premier League ayaa haatan ka dhexeeya 3-da kooxood ee Man City, Arsenal iyo Liverpool.

Haatan Arsenal ayaa farqiga goolasha ku haya hogaanka horyaalka premier League waxana ay isku dhibco yihiin kooxda Liverpool halka ay Man City hal dhibic ka dambayso labadoodaba.

Taageerayaasha ayaa codkooda oo dhan 48% u codeeyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacanaysa Man City ayaa la siiyay cod dha 31% in ay ku guulaysato tartanka Premier League xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayn hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Arsenal ayaa haysata kaliya 15% in ay ku guulaysato premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga