Arne Slot Oo Liverpool Ka Dalbaday In Ay U Keenaan Laba Xiddig Oo U Ciyaara Feyenoord.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay labada xiddig ee kooxda Feyenoord ee Mats Wieffer iyo Lutsharel Geertruida u aqoonsatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga.

Reds ayaa bilaabaysa ay dib u dhisto kooxda kadib bixitaanka Klopp iyada oo Arne Slot hogaamin doono kooxda xilli ciyaareedka ambe.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Slot ayaa laga yaabaa inuusan u dhaqaaqin Anfield kaligii iyada oo khadka dhexe ee daafaca Wieffer iyo daafaca Geertruida ay suurtogal tahay inay ku biiraan xilli ciyaareedka soo socda.

Wararka waxay intaa ku dartay in Reds ay labada ciyaaryahanba isha ku haysay in muddo ah, xitaa ka hor intii ayna  dhaqaaqin axiixa tababare Slote.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga