Arne Slot Oo Ka Warbixiyay Xaalada Ibrahima Konate Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Arsenal.

Arne Slot ayaa bixiyay warbixin ku saabsan dhaawaca Ibrahima Konaté kaddib markii xiddiga Liverpool uu garoonka kaga baxay si dhib badan intii lagu jiray guushii weynayd ee ay ka gaareen Arsenal Axaddii.

Arrintani waxay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa xiisaha Liverpool ay u qabto saxiixa difaaca Crystal Palace, Marc Guehi, kaasoo wali lala xiriirinayo Anfield.

Liverpool ayaa sii waday bilowgeedii 100% ee xilli ciyaareedka kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda ay ku loolamayaan horyaalka Premier League ee Arsenal, kulan ka dhacay garoonkooda Anfield.

Ciyaarta guud ahaan waxay ahayd mid aan firfircooni badnayn, balse Dominik Szoboszlai ayaa dhaliyay laad xor ah oo cajiib ah daqiiqaddii 83-aad, taasoo keentay in saddexda dhibcood ay sii joogaan Liverpool.

Ka hor intaan la dhalin goolka, Konaté ayaa dhulka ku dhacay garoonka isagoo dhaawacmay, waxaana la siiyay daaweyn, ka dibna si dhib badan ayuu uga baxay garoonka, iyadoo Joe Gomez uu beddelay.

Slot ayaa soo jeediyay in xiddiga caalamiga ah ee Faransiiska uusan si xun u dhaawacmin, isagoo u sheegay Sky Sports: “Waxaan u maleynayaa in uu ahaa muruq xanuun kaliya, sidaas darteed ma u maleynayo in uu dhaawac dhab ah yahay. Waa inaan sugnaa oo ogaano kulamada soo socda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga