
Arne Slot ayaa soo bandhigay wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan taam ahaanshaha kooxdiisa Liverpool ka hor kulanka Axada ay Premier League kula ciyaari doonaan Fulham garoonka Craven Cottage.
Kooxda Baacsanaysa horyaalka ayaa soo celisay 12-kii dhibcood ee ay ka horaysay Arsenal kadib guushii ay 1/0 uga badiyeen Everton Arbacadii.
Slot ayaa xaqiijiyay in Trent Alexander-Arnold iyo Joe Gomez ay weli dhaawac ku maqan yihiin iyagoo ka soo kabanaya dhaawacyo canqowga iyo muruqa ah.
Tababaraha reer Holland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Liverpool ay tahay in ay sii wado qiimeynta helitaanka goolhaye Alisson Becker iyo daafaca midig ee Conor Bradley ka hor kulanka axada.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ee ka horeeyay Fulham ayuu Slot yidhi””Dabcan, Trent [Alexander-Arnold] iyo Joe [Gomez] kuma soo laaban doonaan toddobaadyada soo socda. Conor, waa inaan sugno oo aan aragnaa haddii uu diyaar u yahay inuu la joogo kooxda Axadda”.
“Alisson xaaladiisa waa miyir beel waana in aad ka fikirtaa arimo, marka uu xaalad fiican dareemo wuu ciyaari doonaa”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment