Ancelotti Oo Isku Qoray Taariikhda La Liga.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa Taariikh cusub ka sameeyay La Liga Kadib Markii Kooxdiisu baro-baro la gashay Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Tababare Ancelotti ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay tirada guuldaro la’aanta ugu dheer xilli ciyaareed kaliya iyada Oo aan Laga badin 32 kulan Oo xidhiidh ah.

Real Madrid ayaa kaliya Laga badiyay 2 kulan tartamada Oo dhan xilli ciyaareedkan Kadib 42 kulan Oo ay ciyaareen.

Los Blancos ayaa noqotay kooxda kaliya ee aan looga badin garoonkeeda 2 Xilli ciyaareed Oo lala duwan Muddo 5 Sano ah.

Real Madrid ayaa kaliya 6 kulan u jirta kooxda labaad ee guuldaro la’aanta ugu dheerayd taariikhda La Liga, waxaana lagu diiwaan galiyay magaca Real Sociedad 38 kulan iyada oo xusid mudan in liiskan ugu sareeya ay iska leedahay Barcelona oo aan laga badin 43 kulan oo ay ciyaartay

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga