
Arne Slot ayaa bixiyay war cusub oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Alexander Isak ka hor inta uusan suurtagal noqonin inuu kulankiisa ugu horreeya u ciyaaro Liverpool usbuucan.
Waxaa jirta xiise weyn oo ka dhex taagan taageerayaasha kooxda Reds si ay u arkaan ciyaaryahanka cusub oo kulankiisii uGu horeeyay u ciyaara kooxda marka ay Liverpool la ciyaarayso Burnley Axada kadib markii uu ku soo biiray kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.
Isak ayaa markii ugu horreysay tababar ku qaatay xarunta Kirkby maalmahan dhaw kadib markii uu kasoo laabtay waajibaadkii xulka qaranka Sweden, halkaasoo uu kaydka kasoo galay 18-kii daqiiqo ee ugu dambeysay kulankii isniintii ay guuldarro lama filaan ah 2-0 kala kulmeen xulka Kosovo, ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka Koobka Adduunka. Isak ma uusan ciyaarin kulankii toddobaadkii hore ee 2-2 ku dhammaaday ee ay la ciyaareen Slovenia.
Slot ayaa haatan isku dayaya inuu yareeyo rajada ay taageerayaasha Liverpool ka qabaan ka qaybgalka Isak toddobaadyada soo socda, isagoo caddeeyay in uusan si buuxda u ciyaari doonin ciyaaraha oo dhan muddo yar gudaheed, isla markaana uu u baahan yahay waqti uu ku dhiso diyaar-garowgiisa jidheed.
“Marka hore, waxaan u maleynayaa in macallinka xulka Sweden, Jon Dahl Tomasson, uu mudan yahay amaan aad u weyn – mid weyn, weyn, weyn – sababtoo ah wuxuu helay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican, xitaa laga yaabee kan ugu fiican adduunka, wuxuuna u baahnaa inuu u ciyaarsiiyo laba kulan oo aad muhiim u ah dalkiisa,” Slot ayaa u sheegay wariyeyaasha Jimcihii.
“Laakiin wuu fahmay in haddii uu labadaba 90 daqiiqo ciyaarsiin lahaa, ciyaaryahanku uu u badan tahay inuu dhaawac halis ah la kulmi lahaa toddobaadyada soo socda.”
“Taas ma aha wax sahlan mar walba oo uu macallin sameeyo – in uu ka hormariyo danaha ciyaaryahanka kuwa kooxdiisa – sidaas darteed wuu mudan yahay amaan weyn, annaguna si la mid ah ayaynu Alex u daweyn doonaa sida ay u sameeyeen.
“Sidaa darteed, ha ka filanina inuu ciyaar walba 90 daqiiqo garoonka joogo – taasi hubaal ma dhici doonto toddobaadyada soo socda. Wuxuu seegay isku diyaarintii xilli ciyaareedka cusub, waxaan filayaa inuu qaatay saddex ama afar bilood oo aanu kooxdu si buuxda ula tababaran, markaa hadda waa inaan si tartiib ah u dhisno diyaarintiisa maadaama aan ciyaaro badan leenahay iyo waqti tababar oo aad u yar.”
Be the first to comment