Alexander-Arnold, Rodri, Casemiro, Gundoan, Sterling, Osimhen Iyo Wararkii Ugu Dabeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Manchester United ayaa sugaysa ilaa maalinta ugu dambaysa ee suuqa kala iibsiga ka hor inta ayna u dhaqaaqin weeraryahanka Brentford Ivan Toney iyada oo rajaynaysa in ay ku qasbaan Brentford in ay hoos u dhigaan qiimaha ay ku iibinayaan xiddiga (Sky Sports Germany).

Wakiilada Tony ayaa hadda wadahadalo kula jira kooxda Saudi Arabia ee Al Ahli, kuwaas oo doonaya inay ku bixiyaan 35 milyan oo euro (TEAMtalk).

goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili ayaa soo dhaweynaya u dhaqaaqista Man Utd xagaagan iyadoo wadahadalada Liverpool ay daba dheeraadeen (Mirror).

Liverpool ayaa u aragta daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi inuu yahay lamaanaha ugu fiican ee Ibrahima Konate, waxaana laga yaabaa inay dalab 75 milyan ah ka gudbiso saxiixiisa (Fichajes).

Victor Osimhen ayaa diyaar u ah inuu diido xiisaha ay u qabaan labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea oo doonaya inuu ku biiro Paris Saint-Germain (The Sun).

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso Raheem Sterling, Trevoh Chalobah, Armando Broja iyo Ben Chilwell xagaagan (Caughtoffside).

Man Utd ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca bidix ee Chilwell. (Caughtoffside).

Ilkay Gundogan ayaa ka codsaday Barceloa in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqa xagaagan (Catalunya Radio).

Xiddiga Gundogan ayaa la xidhiidhay Man City si uu ugu laabto kooxda Pep Guardiola (Catalunya Radio).

Casemiro ayay u badantahay in uu sii joogo kooxda Man United xagaagan (90min).

Manchester United ayaa isha ku haysa in ay Liverpool ka afduubato goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili laakiin waa in ay marka hore iibiso xiddig garabka ka ciyaara sida Jadon Sancho si ay u soo ururiso lacagta loo baahan yahay (The Mirror).

Goolhaye kale oo ah goolhayaha kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan (Football Insider).

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa in ay xiddiga khadka dhexe ee Rodri u soo bandhigto heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 375 kun oo Gini si uu ugu sii joogo kooxda isla markaana ay isaga difaacdo xiisaha Real Madrid (The Mirror).

Liverpool ayaa sugi doonta ilaa suuqa January ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiix kale oo khadka dhexe ah kadib markii uu diiday xiddiga Real Sociedad ee Martin Zubimendi. Arne Slot ma rabo inuu arko heshiis lagu degdegay oo loogu talagalay ciyaaryahan aan ku habboonayn (Football Insider).

Laakiin hal ciyaaryahan oo iman kara Liverpool waa daafaca bidix ee Rennes Adrien Truffert. 22-sano jirkaan ayaa u soo baxay inuu yahay bedelka Andy Robertson (L’Equipe).

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay Real Madrid kula tartanto saxiixa daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold hadii uu ogolaado in uu heshiiskiisa haatan dhacayo xagaaga dambe (Fichajes).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga