Pep Guardiola oo qaatay go’aan muhiim ah oo kusaabsan Man City xili laga doodayo ka tuurista EPL ka

0

Tababarihii hore ee Manchester City, Pep Guardiola, ayaa la sheegay inuu weli taageero u hayo madaxda kooxda xilli ay wajahaan 114 eedood oo dhaqaale oo Premier League ah, kadib markii guddiga horyaalka uu dhammaadkii Sebtembar kooxda ku helay 114 ka mid ah 115 eedood.

Wariyaha reer Spain Guillem Balagu ayaa sheegay inuu filayo in Guardiola uu garoonka Etihad yimaado kulanka Manchester City iyo PSG, si uu sawir taageero ah ula galo Khaldoon Al Mubarak, Ferran Soriano iyo madaxda kale, taasoo muujinaysa midnimada kooxda.

Advertisment

Balagu wuxuu sheegay in Guardiola xilligii uu kooxda joogay uu marar badan madaxda iyo qareennada weydiin jiray halka ay marayso dacwadda, waxaana loo sheegayay: “Waan fiicanahay, wax walbana way hagaagi doonaan.”

Sidoo kale, Balagu wuxuu Guardiola ku tilmaamay “dahable”, isagoo sheegay inuu ciyaartoy badan horumariyay oo ka dhigay xiddigo waaweyn, gaar ahaan intii uu Manchester City joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here