RIKOOR CAJIIB AH :- Bellingham oo rikoor 33 sano jiray ka dhigay xulka England

0

Xiddiga Real Madrid iyo xulka England, Jude Bellingham, ayaa dhigay rikoor gaar ah kadib guushii weynayd ee England ay ka gaartay Croatia.

England ayaa 7-0 ku xasuuqday Croatia kulan ka tirsanaa wareegga 3-aad ee UEFA Nations League 2027.

Advertisment

Sida ay sheegtay warbaahinta Madrid Extra, Bellingham ayaa noqday khadka dhexe ee ugu horreeyay England muddo 33 sano ah ee hal kulan ku lug yeesha 4 gool, isagoo ku biiray rikoor uu markii ugu dambeysay sameeyay David Platt sanadkii 1993.

Bellingham ayaa sidaas ku raacay raadkii Platt, isagoo ka faa’iidaystay bandhiggii liitay ee Croatia.

England ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee Group C iyadoo leh 6 dhibcood, halka Spain ay hoggaanka ku hayso 9 dhibcood. Croatia ayaa kaalinta saddexaad ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here