Liverpool ayaa xiriir la sameysay wakiillada xiddiga da’da yar ee reer Mexico Gilberto Mora, sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Mora oo 17 jir ah kana tirsan Tijuana, ayaa loo arkaa mid ka mid ah da’yarta ugu tayada badan khadka dhexe, isagoo xilli ciyaareedkan dhaliyay 5 gool 7 kulan.
Romano ayaa sheegay in kooxo waaweyn oo ka kala socda England iyo Spain ay si dhow ula socdaan Mora, kaas oo Mexico loogu tilmaamo “next big thing”.
Liverpool ayaa haatan tartan adag kala kulmaysa Real Madrid iyo Barcelona, iyadoo wararku sheegayaan in Mora uu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Spain.
Mora wuxuu 18 sano jirsanayaa dabayaaqada bishan, taasoo ka dhigan inuu awood u yeelan doono inuu u wareego Yurub laga bilaabo suuqa kala iibsiga Janaayo.

