Xulka Spain ayaa wajahaya Czech Republic kulanka 3-aad ee UEFA Nations League 2027, waxaana safka xulka ka maqnaanaya Fabian Ruiz.
Ruiz, oo u ciyaara Paris Saint-Germain, ayaa Sabtidii ka baxay xerada Spain kadib markii uu u safray Faransiiska si uu u soo dhaweeyo ilmihiisii ugu horreeyay, iyadoo tababare Luis de la Fuente uu fasax u siiyay.
Ruiz ayaa ku biiray ciyaartoy dhowr ah oo dhaawacyo dartood uga baxay xulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eric Garcia, Grimaldo, Nico Williams iyo Ferran Torres.
Lama oga weli in Fabian Ruiz uu dib ugu soo laaban doono xerada Spain si uu uga qeyb galo kulanka Croatia ee Talaadada soo socota.

