Wararka sheegaya in Erling Haaland uu u wareegayo Bayern Munich kadib xaaladda adag ee Manchester City ayaa la beeniyay.
Wariye Christian Falk oo ka tirsan Bild ayaa sheegay in Bayern ay hadda xoogga saarayso cusboonaysiinta heshiiska Harry Kane, iyadoo wadahadalladuna si wanaagsan u socdaan.
Bayern ayaa sidoo kale ka walaacsan mushaharka Haaland oo lagu qiyaasay 35 milyan oo euro sanadkii, taas oo ka dhigaysa heshiiskiisa mid aad qaali u ah, xitaa haddii uu mustaqbalka ku baxo qaab xor ah.
Sidaas darteed, Bayern Munich ma waddo qorshe ay Haaland ku soo qaadanayso xilligan, balse kooxda ayaa si dhow ula socota xaaladdiisa. Dowladda Jarmalka? No.

