Halyeeyga reer Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa bixiyay saadaashiisa ku aaddan kooxaha ku guuleysan kara La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, iyo sidoo kale ciyaaryahanka qaadi kara Ballon d’Or.
Intii lagu jiray su’aalo degdeg ah oo ay baahisay ESPN, Ibrahimović waxaa la weydiiyay cidda uu u saadaalinayo saddexda abaalmarin, Ibrahimović ayaa sheegay in Barcelona ay ku guuleysan doonto La Liga, wuxuuna mar kale Barcelona u doortay inay qaaddo Champions League.
Markii la weydiiyay ciyaaryahanka uu u arko inuu ku guuleysan doono Ballon d’Or 2026, Ibrahimović wuxuu si toos ah u doortay Lamine Yamal.
Barcelona ayaa xilligan ku jirta xaalad wanaagsan, iyadoo hoggaanka La Liga ku haysa 21 dhibcood, halka Champions League ay guul weyn ka gaartay Feyenoord oo ay 5-1 ku garaacday.
Zlatan Ibrahimović ayaa Barcelona u ciyaaray xilli ciyaareedkii 2009/10, isagoo xilligiisii kaliya ee kooxda ku qaaday 5 koob.

