Majaladda caanka ah ee France Football ayaa soo afjartay dood ka taagneyd in waxqabadka ciyaartoyda bilowga xilli ciyaareedka 2026/27 lagu dari doono qiimeynta abaalmarinta Ballon d’Or 2026.
Xafladda abaalmarinta ayaa lagu qabanayaa London 26-ka Oktoobar 2026, waxaana lagu bixin doonaa abaalmarinnada shaqsiyeed ee ugu waaweyn kubadda cagta, oo ay ugu horreyso Ballon d’Or-ka ciyaaryahanka ugu fiican sannadka.
France Football ayaa caddeysay in qiimeynta Ballon d’Or 2026 ay ku saleysan tahay waxqabadka ciyaartoyda intii u dhaxaysay 3-da Agoosto 2025 ilaa 19-ka Luulyo 2026, Taas macnaheedu waa in kulamada iyo bandhigyada ciyaartoyda ee bilowga xilli ciyaareedka 2026/27 aan lagu darin Ballon d’Or 2026.
Muddadaas qiimeynta ah waxaa sidoo kale lagu daray tartamada caalamiga ah ee waaweyn, sida Koobka Adduunka, AFCON-ka ragga iyo Asian Cup, iyo sidoo kale marxaladda ugu dambeysa ee UEFA Nations League-ka haweenka.
Dhanka kale, AFCON-ka haweenka, oo soo dhammaaday 16-kii Agoosto, waxaa lagu dari doonaa qiimeynta Ballon d’Or 2027, maadaama uu ka baxsan yahay muddada loo dejiyay abaalmarinta sanadkan.
Sidaas darteed, ciyaartoyda 30-ka ah ee loo magacaabay Ballon d’Or 2026 waxaa lagu qiimeynayaa waxqabadkoodii xilli ciyaareedkii 2025/26, halka qaab ciyaareedkooda xilli ciyaareedka cusub uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin abaalmarinta 2026.

