Rio Ngumoha oo soo bandhigay qorshe aan caadi aheyn oo Van dijk & Salah ….

0

Xiddiga da’da yar ee Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa shaaciyay sida Mohamed Salah uga caawiyay inuu u hormariyo ciyaartiisa intii lagu jiray bilihii ugu dambeeyay ee xiddiga Masaaridu ku sugnaa kooxda.

Ngumoha ayaa sheegay in Salah uu si gaar ah uga caawiyay dhinaca maskaxda iyo fahamka sida uu ciyaaryahanku u qiimeeyo tirakoobkiisa, Isagoo la hadlayay ITV Sport, Ngumoha wuxuu sheegay in Salah uu kula dardaarmay inuu kordhiyo goolashiisa iyo ciyaantiisa haddii uu doonayo inuu gaaro heerka ugu sarreeya.

Advertisment

“Wax badan ayuu i baray, gaar ahaan markii uu ogaaday inuu baxayo. Wuxuu si weyn ii caawiyay dhinaca maskaxda iyo sida loo eego tirakoobkayga,” ayuu yiri Ngumoha, 18-jirka ayaa sidoo kale sheegay in Salah uu ku dhiirrigeliyay inuu diiradda saaro wax-soo-saarkiisa weerarka, isagoo fahamsan in goolasha iyo caawintu ay muhiim u yihiin horumarka ciyaaryahan weerar ah.

Ngumoha ayaa sheegay in Neymar uu ahaa ciyaaryahankii uu yaraantiisii ugu jeclaa, balse Salah uu ahaa ciyaaryahankii ugu weynaa ee uu wax badan ka bartay intii uu Liverpool joogay, Salah ayaa Liverpool ka tagay xilli ciyaareedkii hore, halka Ngumoha uu hadda isku dayayo inuu boos joogto ah ka helo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here