Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga , Barcelona , Real Madrid, Manchester united, Arsenal….

0

Kusoo dhawaada Kooxda.com, halka aad si joogto ah uga heli doontaan wararkii ugu dambeeyey ee kubadda cagta iyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Warbixintan waxaan idinkugu soo gudbinaynaa xogaha iyo wararka ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga, iyadoo ay soo baxayaan xiisooyin cusub oo ay kooxaha waaweyn ee Yurub u qabaan xiddigo kala duwan.

Advertisment

Real Madrid, Liverpool, Barcelona, Inter Milan, Roma, Atletico Madrid iyo kooxo kale ayaa lagu soo warramayaa inay indhaha ku hayaan ciyaartoy cusub, halka qaar ka mid ah xiddigahana ay wajahaan go’aanno muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkooda.

Haddaba, aan si faahfaahsan u guda galno wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga

  • Real Madrid ayaa xiisaynaysa daafaca reer England ee Jarell Quansah, kaasoo 23 jir ah una ciyaara Bayer Leverkusen. Arsenal ayaa xagaagii dalab ka gudbisay ciyaaryahanka, halka Chelsea ay sidoo kale wax ka weydiisay xaaladdiisa.
    Xigasho: Bild
  • Xiddiga da’da yar ee Mexico Gilberto Mora, oo 17 jir ah, ayaa ku jira qorshaha Liverpool. Si kastaba, Borussia Dortmund iyo Benfica ayaa iyaguna doonaya khadka dhexe ee Club Tijuana.
    Xigasho: TeamTalk
  • Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain Dani Olmo, oo 28 jir ah, ayaa doonaya inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo kooxdiisii hore ee Dinamo Zagreb.
    Xigasho: Fichajes
  • Weeraryahanka reer Canada Jonathan David, oo 26 jir ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhowaanayo inuu Atletico Madrid ku qanciyo inay si rasmi ah u iibsato, kaddib amaah uu kaga yimid Juventus. Qiimaha lagu dhamaystiri karo heshiiska ayaa lagu sheegay ku dhawaad £21 milyan.
    Xigasho: Fichajes
  • Inter Milan ayaa indhaha ku haysa khadka dhexe ee reer Italy Alessandro Romano, kaasoo 20 jir ah haatanna amaah ugu ciyaara Cagliari, isagoo heshiiskiisu ka yimid Roma. Inter ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka haddii Hakan Çalhanoğlu, oo 32 jir ah, uu kooxda ka tago marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga soo socda.
    Xigasho: Gazzetta dello Sport
  • Roma ayaa xagaagii ku guuldarreysatay inay amaah ku hesho weeraryahanka Real Madrid ee Endrick, balse kooxda Talyaaniga ayaa weli xiisaynaysa xiddiga reer Brazil, iyadoo qorshaynaysa inay mar kale isku daydo saxiixiisa bisha Janaayo.
    Xigasho: Gazzetta dello Sport
  • Barcelona ayaa xilli ciyaareedkii hore wax ka weydiisay xaaladda daafaca Croatia ee Josko Gvardiol, balse waxaa la sheegay inuu 24-jirkaasi uusan doonayn inuu ka tago Manchester City.
    Xigasho: Mundo Deportivo
  • Barcelona iyo Inter Milan ayaa si dhow ula socda daafaca Stuttgart ee Finn Jeltsch, oo 20 jir ah. Daafaca reer Germany ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxo ka tirsan Premier League.
    Xigasho: Sky Sports Germany
  • Bologna ayaa heshiis la gaartay daaficii hore ee Manchester United Matteo Darmian, kaasoo 36 jir ah, si uu kooxda ugu biiro si bilaash ah, kaddib markii uu ka tagay Inter Milan dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
    Xigasho: Fabrizio Romano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here