Kiiska Manchester City ee la xiriira eedeymaha jebinta xeerarka maaliyadeed ee Premier League ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii guddiga madaxa-bannaan lagu soo waramayo inuu kooxda ku helay 114 ka mid ah 115 xadgudub oo loo soo jeediyay, Si kastaba, xukunkan looma arko inuu yahay dhammaadka kiiska, waxaana hadda furmaya marxalad kale oo ku saabsan ciqaabta, racfaanka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan kooxaha kale ee Premier League.
Kiiskan ayaa socday muddo dheer, waxaana eedeymaha Manchester City loo gudbiyay in ka badan saddex sano ka hor. Kooxdu waxay muddo dheer beenisay eedeymaha, waxaana ay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa afar xaaladood oo waaweyn oo hadda horyaalla Manchester City.
1. Ciqaab aan la shaacin xilli ciyaareedkan
Xaaladda koowaad ayaa ah in aan wax ciqaab ah lagu dhawaaqin inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan.
Maadaama Manchester City ay si joogto ah u diidday eedeymaha, waxaa loo baahan karaa dhageysi gaar ah oo lagu go’aamiyo ciqaabta.
Dhageysigaasi wuxuu dhici karaa bilo kadib, taasoo keeni karta in go’aanka ciqaabta uu dib u dhaco ilaa laga gaaro marxaladda racfaanka.
Ciqaabaha laga yaabo in guddigu tixgeliyo waxaa ka mid noqon kara ganaax lacageed, dhibco laga jaro ama xitaa hoos loo dhigo heerka horyaalka, iyadoo ku xiran xeerarka iyo go’aanka kama dambaysta ah.
2. City oo ciqaab lagu rido xilli ciyaareedkan kadibna racfaan qaadata
Xaaladda labaad ayaa ah in ciqaabta lagu dhawaaqo inta xilli ciyaareedku socdo, iyadoo Manchester City ay markaas isticmaasho xaqeeda racfaanka.
Haddii dhibco badan laga jaro, waxaa si toos ah u saameyn kara booska kooxda ee kala sarreynta Premier League.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in laga doodo sida ciqaab culus loogu dabaqi karo koox iyadoo xilli ciyaareedku socdo, gaar ahaan haddii ay jirto tallaabo saameynaysa ka mid ahaanshaha kooxda ee Premier League.
Dhanka kale, ganaax lacageed oo weyn ayaa sidoo kale kamid noqon kara xulashooyinka.
Warbixintu waxay xustay in habka racfaanka Premier League uu leeyahay waqtiyo cayiman, balse aan weli caddayn sida jadwalkaas loogu dabaqi doono kiiskan oo ah mid aan caadi ahayn.
3. Racfaanka oo si degdeg ah loo qabto lana gaaro go’aan kama dambays ah
Xaaladda saddexaad ayaa ah in marka ciqaabta la go’aamiyo, Premier League uu isku dayo inuu si dhaqso ah u dhammeeyo nidaamka racfaanka.
Tani waxay muhiim u noqon kartaa tartanka, maadaama kooxaha kale ay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda Manchester City iyo xeerarka lagu tartamayo.
Laakiin racfaan degdeg ah macnaheedu ma aha in kiisku si fudud ku dhammaanayo, maadaama Manchester City ay awood u leedahay inay ka hortagto ciqaabta ama qayb kamid ah go’aanka.
Sidaas darteed, habraaca sharci ayaa weli sii dheeraan kara.
4. Xitaa haddii kiisku xirmo, kooxaha kale ayaa tallaabo qaadi kara
Xaaladda afaraad ayaa ah in xitaa haddii kiiska ugu weyn la soo gabagabeeyo, ay kooxo kale oo Premier League ah qaadi karaan tallaabooyin sharci ah.
Sida warbixintu sheegtay, qaar kamid ah kooxaha ayaa laga yaabaa inay raadiyaan talo sharci ah oo ku saabsan dalabyo magdhow lacageed oo ay ka gudbin karaan Manchester City.
Kooxuhu waxay yeelan karaan sababo kala duwan oo ay ku dalbanayaan magdhow. Qaar ayaa laga yaabaa inay ku doodaan in xaaladda Manchester City ay saameysay fursadahooda ku aaddan ku guuleysiga horyaalka, halka kuwo kalena ay diiradda saari karaan boosaskii ay ka galeen kala sarreynta ama fursadihii ay u heli lahaayeen tartamada Yurub.
Warbixintu waxay sheegtay in xeerarka Premier League ay kooxaha u oggolaanayaan inay qaadaan tallaabooyin sharci ah oo ay uga dalbanayaan koox kale magdhow, inkastoo sida arrintaasi dhab ahaan u dhici karto ay ku xirnaan doonto go’aannada iyo habraacyada dambe.
Sidaas darteed, helitaanka xukunka kama dhigna in kiiska Manchester City uu dhammaaday. Waxaa hadda xigi kara go’aaminta ciqaabta, habka loo fulinayo, racfaan ay Manchester City qaadato iyo xitaa sheegashooyin magdhow oo ay kooxo kale soo gudbin karaan.
Warbixintu waxay soo xiganaysaa BBC, oo tilmaamaysa in xaaladdu ay aad u adag tahay, isla markaana ay qaadan karto waqti in dhammaan dhinacyada kiiska la soo gabagabeeyo.

