Xiddiga Real Madrid ka tirsan ayaa diiday dalab lama filaan ah oo uga yimid Chelsea,

0

Daafaca dhexe ee Real Madrid Raul Asencio ayaa lagu soo warramayaa inuu xagaagii diiday dalab weyn oo uga yimid Chelsea, iyadoo fursad u ahayd inuu mar kale la shaqeeyo tababare Xabi Alonso, Sida warbaahinta Spain ee Marca ay sheegtay, Asencio oo 23 jir ah ayaa lagu daray ciyaartoydii Real Madrid diyaar u ahayd inay iibiso dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, Arrintaas ayaa soo jiidatay kooxo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa Chelsea iyo Liverpool.

Chelsea ayaa la sheegay inay Asencio u soo bandhigtay qandaraas dhaqaale ahaan aad u weyn, iyadoo doonaysay inay daafaca reer Spain keento Stamford Bridge, Waxaa sidoo kale jiray dalab weyn oo uga yimid dalka Turkiga, balse Asencio dhammaan xiisahaas ayuu diiday.

Advertisment

Go’aanka uu qaatay wuxuu ahaa inuu Real Madrid sii joogo oo uu u dagaallamo booskiisa kooxda koowaad, Hadda waxaa muuqata in go’aankaas uu fursad siin karo. Ka dib markii Dean Huijsen laga saaray ciyaartii Madrid Derby-ga, halka xaaladda dhaawaca Ibrahima Konaté aan weli si cad loo xaqiijin, Asencio ayaa loo saadaalinayaa inuu heli karo fursaddiisa, waxaana suuragal ah inuu u safto Real Madrid kulanka ay la ciyaari doonaan Villarreal bisha soo socota.

Haddii uu Asencio aqbali lahaa dalabkii Chelsea, wuxuu Stamford Bridge kula midoobi lahaa Xabi Alonso, kaasoo horey uga soo shaqeeyay Real Madrid, Alonso iyo Asencio waxay wada shaqeeyeen xilli Alonso uu ahaa tababaraha Real Madrid, isagoo kooxda hoggaaminayay muddo ku dhow sideed bilood.

Chelsea ayaa xagaagan sidoo kale xoojisay difaaceeda, iyadoo kooxda kusoo biiriyeen Valentin Barco, Pep Chavarria, Maxence Lacroix iyo Marco Palestra, Chelsea ayaa waqtigan ku jirta kaalinta 10-aad ee Premier League, iyadoo weli raadineysa inay kor u qaaddo natiijooyinkeeda xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here