Roberto Carlos “Wax walba waan lumiyay”, sheeko cajiib ah oo uu soo bandhigay Carlos oo lala murugooday

0

Halyeeygii Real Madrid iyo xulka Brazil, Roberto Carlos, ayaa si lama filaan ah uga hadlay dhibaato dhaqaale oo uu sheegay inay sababtay inuu waayo ku dhawaad dhammaan hantidii uu kasbaday intii uu ciyaaryahanka ahaa.

Roberto Carlos oo 53 jir ah ayaa hadalkan ka sheegay Football Summit oo lagu qabtay Portugal, isagoo sheegay in ku dhawaad 99% lacagtii uu ka sameeyay kubadda cagta ay ka luntay sababo la xiriira arrimo uu sheegay inay ku lug lahaayeen wakiillo iyo dhibaatooyin qoys.

Advertisment

Carlos ayaa yiri:- “Waxaan dhibaatooyin kala kulmay dad iga tagay anigoo aan wax lacag ah haysan. Sababo la xiriira wakiillo iyo arrimo qoys, waxaan lumiyay 99% wax kasta oo aan kubadda cagta ka kasbaday.”

Halyeeyga reer Brazil ayaa sheegay inuu sidoo kale soo maray dhibaato qoys oo aad u culus, taas oo uu sheegay inay qayb ka ahayd xaaladdii keentay inuu waayo hantidiisa, Wuxuu sharaxay waqtigii uu ogaaday baaxadda dhibaatada, isagoo yiri: “Khamiistii waxaan seexday saqdii dhexe, Jimcihii waxaan helay waraaqo badan oo aanan waxba ka ogeyn. Markaas ayaan ogaaday inaan lumiyay dhammaan wixii aan soo dhistay.”

Carlos ma uusan magacaabin wakiilka uu ula jeedo, sidoo kalena si faahfaahsan uma uusan sheegin halka ay lacagtiisu ku dambeysay, Roberto Carlos ayaa dhacdadan uga faa’iideystay inuu digniin u diro jiilka cusub ee ciyaartoyda, isagoo sheegay in khaladaadkii uu isagu galay ay cashar u noqon karaan ciyaartoyda maanta, “Waxaan sameeyay khaladaad, sidaas darteed waxaan ciyaartoyda da’da yar ka codsanayaa inaysan sameyn khaladaadkii aan sameeyay,” ayuu yiri.

Carlos wuxuu sheegay inuu mar walba qorsheynayay noloshiisa ka dambeysa kubadda cagta, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ciyaaryahanku mustaqbalka ka fikiro inta uu weli ciyaarayo.

Roberto Carlos wuxuu ka mid ahaa daafacyadii bidix ee ugu caansanaa taariikhda kubadda cagta. Intii uu xirfaddiisa ciyaareed ku jiray, wuxuu Brazil kula qaaday Koobka Adduunka 2002, halka Real Madrid uu kula guuleystay 3 Champions League iyo 4 La Liga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here