QORSHE CUSUB:- Arsenal oo qorsheyneysa iney afduubato saxiixii ugu muhiimsanaa Man City

0

Arsenal ayaa la sheegay inay xiriir la sameysay wakiilka Erling Haaland, iyadoo Manchester City ay wajahayso xaalad adag oo la xiriirta k sii xeerarka maaliyadeed ee Premier League.

Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay xeerarka FFP 114 jeer, inkastoo kooxda ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato go’aanka marka ciqaabta kama dambaysta ah la go’aamiyo, Ben Jacobs ayaa sheegay in Premier League ay xiriirso ciyaab adag, oo ay ay mid noqon karto in City laga saaro horyaalka ama dhibco badan laga jaro, taasoo keeni karta inay heerka ka degto.

Advertisment

Jacobs ayaa sidoo kale sheegay in EFL ay u badan tahay inay taageerto go’aanka Premier League, taasoo xaaladda sababi karto in City ay xiitaa gaarto National League, oo ah heerka shanaad ee kubadda cagta England, Haddii xaaladdaas dhacdo, waxaa la filayaa in xidigdo badan ay ka fikiraan bixitaan, waxaana Haaland uu ka mid noqon karaa ciyaartoydaas.

Football Insider ayaa sheegay in Arsenal iyo Real Madrid ay hore ula xiriireen wakiillada Haaland si ay uga hadlaan mustaqbalka ciyaaryahanka.

Arsenal ayaa xagaagii hore doonaysay inay xoojiso weerarkeeda, iyadoo lala xiriiriyay Vinicius Junior iyo Julian Alvarez, balse midkoodna kooxda kuma biirin, Fabrizio Romano ayaa dhawaan xaqiijiyay in Arsenal ay 2027 doonayso inay weeraryahan cusub ku darto qorsheheeda.

Si kastaba, Haaland ma laha qodob heshiiskiisa ku jira oo u oggolaanaya inuu si raqiis ah uga tago kooxda haddii City heerarka hoose loo dejiyo, Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale kale lala xiriirinayaa Haaland, sidaas darteed haddii uu ka tago City, waxaa la filayaa in kooxdu dalbato lacag aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here